Cimilada Dayrta

This content has been professionally translated in other languages.

Este contenido ha sido traducido profesionalmente a otros idiomas.

此內容已被專業翻譯成其他語言。

此内容已被专业翻译成其他语言。

Nội dung này đã được dịch chuyên nghiệp sang các ngôn ngữ khác.

Qoraalkan waxaa si xirfad leh loogu turjumay luqado kale.

Ang nilalamang ito ay propesyonal na isinalin sa ibang mga wika.

이 콘텐츠는 전문적으로 다른 언어로 번역되었습니다.

ይህ ይዘት በሙያዊ በሌሎች ቋንቋዎች ተተርጉሟል።

Этот контент был профессионально переведен на другие языки.

このコンテンツは専門的に他の言語に翻訳されています。

እዚ ትሕዝቶ ብሞያዊ ኣገባብ ብኻልእ ቋንቋታት ተተርጒሙ ኣሎ።

Qabiyyeen kun ogummaadhaan afaanota birootiin hiikameera.

इस सामग्री का व्यावसायिक रूप से अन्य भाषाओं में अनुवाद किया गया है।

Ce contenu a été traduit professionnellement dans d'autres langues.

Цей вміст було професійно перекладено іншими мовами.

ខ្លឹមសារនេះត្រូវបានបកប្រែដោយវិជ្ជាជីវៈជាភាសាផ្សេង។

تمت ترجمة هذا المحتوى بشكل احترافي إلى لغات أخرى.

Ku soo dhawoow websaydka Jawaabta Cimilada Jiilaalka ee SDOT halkaas oo aad ka heli doonto agab kaa caawinaya inaad u diyaargarowdo duufaanada jiilaalka oo aad ogaato sida SDOT uga jawaabto si ay Seattle si nabad ah ugu socoto.

U DIYAARGAROW CIMILADA JIILAALKA

  • Caawi deriskaaga.
  • Raadso goob diiran, u diyaargarow cimilada qabow.
  • Hel sahayda barafka.
  • Diyaarso gargaarkaaga koowaad & sahayda degdegga ah.
  • Baro wadooyinka barafka laga xaaqay.
  • La soco saadaasha cimilida.

Ka hor Barafka iyo Barafka dhalada noqday

U diyaari gurigaaga wax aan la filayn.

  • Diyaarso keyd duufaanta ka hor. Hayso qorshaha degdega ah ee qoyska, foonkka gacanta iyo dabeeye la-qaadan karo, raadiyaha ku shaqeeya batariga, majarafadda barafka, bacda milixda wadada, dhar diiran, bustayaal dheeraad ah, tooshash, xirmada gargaarka degdega ah, iyo sahayda cunto/biyo/daawo ugu yaraan saddex maalmood ah.
  • Soo degso Liiska Hubinta Duufaanta Xilliga Qaboobaha si ay kaaga caawiyaan diyaargarowga. Dhegeyso saadaasha cimilada oo qorshee haddii cimilo aad u daran imaato. 

DIYAARGAROWGA CIMILADA XILLIGA QABOOBAHA

• Yaree safarka, laakiin haddii safarku lagama maarmaan yahay, ku hayso waxyaabaha soo socda
gaarigaaga:
• Dhar diirran iyo buste ku jira gaariga dabadiisa
• Silsiladda ama aaladaha kale ee jiidama oo ku jira gadaal
• Taangiga gaaska oo buuxa, biyaha gaariga ee antifreeze, iyo fiilooyinka xoojiyahaο Cunto fudud
iyo biyo
• Ciid/majarafad gadaal ku jira
• Xoqaha muraayada hore
• Walxaha olola, toosh ku jira gadaal
• Qorshaha degdega ah ee qoyska
• Aqoonta qorshayaasha dugsiga iyo xanaanada
• Qorshayaasha hoyga beddelka ahο Wadooyinka barafka ee la aqoonsaday
• Taleefanka gacanta iyo tamar-gubiye la qaadan karo
• Calanka xaaladda degdega ah
• Khariidad warqad ah

Raadiyaha/tooshashka batari ku shaqeeya
• Taleefanka gacanta, tamar-gudbiye la qaadi karo, iyo baytariyada dheeraadka ah.
• Cunto iyo biyo
• Daawooyinka lagama maarmaanka ah iyo xirmada gargaarka degdegga ah
• Qorshaha degdega ah ee qoyska 

XUSUUSO! WELIGAA HA KU ISTICMAALI GUDAHA QALABKA DHUXUSHA AMA CUNTO-KARIYAHA GAASKA KU SHAQEEYA.

QIIQA WAA HALIS.

Soo wareegida

Ha kaxaysan Baabuur ha kaxayn baabuur hadii aanay lagama maarman ku ahayn. Hadii ay lagama maarman kugu tahay inaad Baabuur kaxaysato, hubi in gaarigu diyaar u yahay xaaladda.

Raac Gaadiidka Dadwaynahaintaad gaari kaxaysan lahayd. SDOT waxay si dhow ula shaqaysa Gaadiidka Metro si ay u hubso in wadooyinka Basaska la mari karo.

U kaxee Baaskiilka si badbaado leh xidho dhar cimilada iyo badbaadada u fiican iyo dhar milicsanaya, nalal, iyo koofiyad. Taxadar dheeraad ah yeelo maadaama xaaladaha wadadu isla markiiba is beddeli karaan adiga iyo darawalada ayaa laga yaabaa inaad u baahan tihiin waqti dheeraad ah si aad u joojisaan.

Adeec xiritaanada wadooyinka iyo leexashooyinkaAdeec xiritaanada wadooyinka iyo leexashooyinka. Calaamadahaas waxa meesha dhigay boliiska si ay kuu badbaadiyaan.

Wax badan ka baro Bogayaga Getting Around sida si badbaado leh loogu dhex socdo Seattle waqtiga Duufaanta.

Khariidadaha Cimilada Jiilaalka

Xaaq jidadka cagta

Dhinaca cagta ee wadada ka horaysa gurigaaga ama meheraddaada ka dhig mid xaaqan inta lagu jiro duufaanta barafka. Waa sharci waana wax sax ah in la sameeyo si qof kastaa uu si nabad ah ugu safro, gaar ahaan dadka ay ku adag tahay inay ku socdaan Barafka.

Seattle waxay leedahay in ka badan 2,400 mayl oo waddooyin lugeed ah, shaqaalaheennuna ma joogi karaan meel kasta hal mar. Adaan isku kaa halaynayna inaad qaybtada qaadato, si aan diiradda u saarno nadiifinta waddooyinka aan u dhowayn dhismayaasha gaarka loo leeyahay iyo inaan nadiifinno waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.

  • Diyaarso - Kaydiso duufaanta ka hor. Hayso majarafada barafka, bac milixa jidka ah, dhar diiran, bustayaal dheeri ah, nalal toosh ah, xirmada gargaarka degdegga ah, iyo sahay cunto/biyo/daawo kugu filan ugu yaraan saddex maalmood.
  • Kahor intaan barafku diin - Ku daadi milixda dhagaxa ah (ama alaab kale oo deegaanka u wanaagsan) wadadada cagta, meelaha aad mareyso, iyo meelaha jaranjarada ah si aad uga hortagto in baraf uu buuxiyo.
  • Ka warhay deriskaaga - Ka hubi deriskaaga haddii aad taqaan inay caawimo kaaga baahan yihiin. Si wada jir ah u wada shaqeeya oo la imaada qorshe aad ku hubinaysan in jidkaaga cagta, biyo-mareennada duufaannada, iyo dariiqyada geesahu ay ka nadiif yihiin barafka.
  • Marka uu baraf da'o - Xaaq waddooyinka lugta - Nadiifi laamiyada cagta ee gurigaaga ama meheraddaada ka horeeya 12 saacadood ka hor inta aanu barafku isu beddelin mid dhegan.

Waxaan la midownay Rooted in Rights si aan u abuurno muuqaal si aan dadka u tusno muhiimada ay leedahay inay ka xaaqan barafka wadooyinka guryahooda hareerahooda ah, ganacsiyada, iyo goobaha shaqada. Macluumaadkani waxa uu u fududaynaya oo sahlaya in qof walba uu socdo kolka uu barafku dao jiilalka!

Codso Caawin la xiriirta Xaaqidda Barafka

Dadka u baahan in laga guro barafka iyo barafka dhalada noqday ee dariiqyada lugeynta ee ku wareegsan guryahooda waxay caawinaad ka codsan karaan Barnaamijka Xaaqidda Barafka ee Deriska Caawiya Deriskaa!

Haddii aad jeclaan lahayd inaad isdiiwaangeliso si aad u hesho caawimo xaaqidda barafka iyo barafka ee xilligaan qaboobaha, fadlan iska diiwaan geli kooxda daryeelka macaamiisha adigoo u diraya iimaylka 684-Road@seattle.gov ama wac (206) 684-7623. Waxaan ku dadaali doonaa inaan kugu xirno tabaruce xaafaddaada ka hor intaysan cimilada xilliga qaboobaha imaan.

Transportation

Greg Spotts, Director
Address: 700 5th Ave, Suite 3800, Seattle, WA, 98104
Mailing Address: PO Box 34996, Seattle, WA, 98124-4996
Phone: (206) 684-7623
684-Road@seattle.gov

Newsletter Updates

Subscribe

Sign up for the latest updates from Transportation

The Seattle Department of Transportation (SDOT) is on a mission to deliver a transportation system that provides safe and affordable access to places and opportunities for everyone as we work to achieve our vision of Seattle as a thriving, equitable community powered by dependable transportation.